MCH-KII XAMAR-LAGU-XIDH OO LA FURAY
23.10.2011 Xamar-lagu-Xidh waxaa laga furay MCH cusub oo aan hore noociisa oo kale looga furin aagaas. Hawshaas qiimaha leh waxaa ku guulaystay gacan wayna ka gaystay Umiliso Daktoorayso Faadumo Ismaaciil Wayrax iyo xagga farsamada iyo isku xirka oo uu qayb wayn ka qaatay Saiciid Khaliif Xagar. Waxaa iyana lama ilaawaan ah sida wanaagsan ee uu ururka Sahan International Relief Association uga qaybqaatay xagga qorshaynta iyo dhaqaalaha.
Waxaa loogu talagalay dadka ku nool deegaanka Xamar-Lagu Xidh ay in ay ka faa’iidaystaan xagga adeega caafimaadka oo halkaas lagu siin doono. Waxaa halkaas diyaar ugu ah xirfadleyaal caafimaad oo waayo arag ah kana shaqaynayey adeega caafimaadka muddo dheer.
Ilaa uu MCH lugihiisa ku istaagay oo iskii u socdo waxaa taageeraya xagga dhaqaalaha ururka Sahan International, xagga daawada iyo isku xidhkana Faadumo Ismaaciil oo ka wakiil ah UNICEF, WHO iyo WFP.
halkan ka daawo MCH-kii oo la furayo:
Marqaan Wayne Hospital
Waxaa dhawaan laga dhisay Cisbitaal heersare ah magaalada Marqaan wayne ee ku taala maamulka Soomaalida ee Kilkka 5aad. Waxaana magaaladaas hadda u socda dhismaha Dugsiga sare.
Waxaana cad in ay Marqaan wayne hadda u bislaatay in ay noqoto degmo madax banaan oo ka tirsan Kilikka 5aad.
Sidee horumar lagu gaadhaa? Qaybtii 2aad
Sidee horumar lagu gaadhaa? Qaybtii 1aad
Qaybta 2aad
2. Cilmiga loo adeegsado horumarinta
2.1 SWOT (waa socotaa)
Su’aashu waxay tahay sidee lagu horumarinayaa wixii aad awalba ku wanaagsanayd? jawaabtuna waxaa weeye, haddii xubnaha ururku ahaa 50 waa in aad isku daydaa in aad gaadhsiiso 100, haddii dhaqaalaha ururku helay ahayd 10000, waa in aad kordhisaan oo gaadhsiisaan 15000, haddii hal mashruuc la fuliyey waa in ka badan la qorsheeyaa oo la fuliyaa. Taasi waa wixii aad ku fiicnayd ee aad awooda u lahayd.
Wixii aad ku liidatay ee gudahaaga ahaa sida in ay cilad inagu tahay haddii xubnaha ururka Kalkaal Community ay bixin waayaan dhaqaalaha laga doonayo, iyagoo haddana xubnaha oo ka tirsan ururkii oo shirarkii kaala soo qaybgalaya. Haddii is arag la’aanta aynu kala fognahay ee ku kala nool nahay 5ta qaaradood ay cilad inagu tahay. Iyo cilad kasta oo gudaheena ka jirta in horumar iyo dhinaca wanaagsan loo badalo, la iskuna dayo mar kasta in tii wax laga qaban kari waayo xitaa la yareeyo dhibkeeda.
La soco qaybta 3aad………………
Sidee horumar lagu gaadhaa? qaybta 1aad
Sidee horumar lagu gaadhaa? qaybta 1aad
1. Horudhac
Ilaahay (SWT) isagaa inagu abuuray dunidan inooguna sameeyey wixii aynu u baahnayna oo dhan sida cuntadii, biyihii, hawadii iyo hoygii aynu geli lahayn. Wuxuu Ilaahay (SWT) inoo soo diray Rasul sidda fariintii Alle si ay inoo baraan in ay nolol kale oo tan ka dambaysaana jirto loona baahan yahay si loogu guulaysto in Alle kaliya la caabudo. Macnuhuna waxaa weeye in aad janno gasho waxaa ka horeeya shaqo iyo in aad imtixaanka aduunka gudubto.
Sidaad ogtihiinba aduunka wali waxaa ku nool dad qaaqaawan oo aan horumarka aduunku gaadhay uusan wali gaadhin waxna kala socon, dadkaas oo ah duurjoog. Waxayna jaahil ka yihiin cilmiga iyo horumarka la gaadhay.
Waxaa muhim ah dadkii doonaya in ay wax wada qabsadaan in ay isku hadaf yihiin oo ujeedadoodu meel u wada jeedo (consensus). Isla markaana ay haystaan waqtigii, lacagtii iyo dadkii hawsha fulin lahaa (resources).
Sii riix hoos….
Roobabkii Gu’ga oo bilawday
Goob Wayne (27.04.2011) Warar hadda naga soo gaadhay Goob Wayne waxay sheegayaan in roobabkii gu’ga bilawdeen.
Waa Ilaahay mahaddii haddii maanta roobkii bilawday, iyadoo dadkii iyo xoolihiiba ay khatar ku jireen.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Goob wayne biyuhu u socdaan sida wabiga.
Waxaa kale oo warar kale sheegayaan in roobabkii gu’gu ka bilawdeen deegaamada Widhwidh, Ceegaag, Goljano iyo meelo kale.
Kalkaal online
Warbixinta Waxbarashada Magaalada Marqaan
| Warbixin Waxbarashada Magaalada Marqaan-Weyne. |
| Written by Jidbaale |
| Sunday, 24 April 2011 08:40 |
Marqaan-Weyne(Jidbaale):- Sidii aan horeba idiinku balanqaadney hadaad tihiin akhristayaashada sharafta leh, inaan idiin soo gudbino horumarada ka socda dalkeena hooyo anagoo isku dayeyna inaan deegaan walba iftiimino meelaha la dareemi karo ee talaabo horumar laga qaadey hadey tahey waxbarsho, Caafimaad, Biyo amaba arimaha kale ee bulshada. Halkan SawiroRead the rest of this entry » |
Shirka Maanta ee Kalkaal Community
Teleconference (23.04.2011) Waxaa dhammaan la ogeysiinayaa bulshada Kalkaal (Kalkaal Community) in ay ka soo qaybgalaan shir muhim ah oo ay ka soo qaybgali doonaan madaxda sarsare ee Kalkaal Community.
Macluumaadka shirka waxaa ka mid ah in uu dhacayo maanta oo sabti ah 23.04.2011 Saacadu marka ay tahay 07:00 fiidnimo ee Somalia. Qofkii doonaya in uu ka soo qaybgalo ha soo waco lambarkan +358942833146 si loo siiyo lambarada lagu soo galyo.
Xoghaynta Kalkaal Development Organization
Shirkii Guddiga Kalkaal
Teleconference (17.04.2011) Waxaa maanta shir isugu yimid xubnaha guddiga Kalkaal Development Organization, wuxuuna ajendaha shirkoodu ahaa sidii horumarinta Soomaaliya sida dhinaca waxbarashada, nabadgalayada iyo deegaanka wax looga qaban lahaa.
Dood dheer ka dib guddigu wuxuu go’aamiyey in xubnaha ururku dhammaantood dhaqaalaha ay ururka u hayaan in ay ku soo shubaan booskii lagu balamay ugu dambayn beri 18.04.2011 si loogu fuliyo qorsheyaashii hore loo dajiyey.
Intii shirku socday waxaa jiray xubno ka soo qaybgalay shirka oo aan ku jirin guddiga diidanaana sida loo qaybsaday soo uruurinta dhaqaalaha ee Kalkaal, kana hadlay shirkii. Waxaase u jawaabay xubnihii guddiga sheegayna in arrintaas laga soo gudbay horeyna looga heshiiyey loona baahnayn in dib loogu noqday. Waxay kaloo caddeeyeen sida ay hadda ku socoto in xubnaha intooda badan (majority) ay ku qanacsan yihiin.
Xafiiska Xoghaynta ururka Kalkaal
Qaylo Dhaanta biyo la’aanta
Buhodle (15.04.2011) Waxaa qaylo dhaan aad xoog badan ka timid deegaanka Hawdka iyadoo la soo sheegay in laga cabsi qabo in dad iyo xoolahaba haraad ama biyo la’aan u dhintaan, maadaama roobkiina wali uusan ka di’in deegaankaas.
Sidaas awgeed Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida waxaa laga codsanayaa in ay walaalahood soo caawiyaan, kaalmadoodana ku soo diraan cinwaankan
Kalkaal Development Organization
Helsinki – Finland
tel.358451217208
Waxaanu idiin ballanqaadaynaa in aanu gaadhsiino dadkaas khatar ugu jira in ay biyo la’aan u dhintaan Ilaahay (SWT) ayaa wax badbaadiyo e, inagana wuxuu ina faray in aan isu gargaarno.


Marqaan-Weyne(Jidbaale):- Sidii aan horeba idiinku balanqaadney hadaad tihiin akhristayaashada sharafta leh, inaan idiin soo gudbino horumarada ka socda dalkeena hooyo anagoo isku dayeyna inaan deegaan walba iftiimino meelaha la dareemi karo ee talaabo horumar laga qaadey hadey tahey waxbarsho, Caafimaad, Biyo amaba arimaha kale ee bulshada.